Dagaal xoogan ayaa waxa uu xalay ka dhacay deegaanka Goof gaduud oo aan ka fogeyn magaalada Baydhabo. Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu yimid kadib markii ay Alshabaab soo weerartay halkaas.
Dagaalka ayaa waxa uu sababay qasaare soo kala gaaray labadii dhinac ee dagaalamay ayada oo ay ciidamada dowlada sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii xalay.
Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo katirsan ciidamada dowlada ahna taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay ayaa saxaafada u sheegay inay iska caabiyeen weerarkii xalay oo ay Alshabaab ku doonaysay inay ku arbushto deegaanka Goof gaduud.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Alshabaab weerar kusoo qaado deegaanka Goof gaduud ayada oo horay weeraro qasaare geystay ugu qaaday deegaankaas.
Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay waday weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah tan iyo markii laga saaray magaalada Baydhabo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com