Dagaal xoogan oo socday mudo nus saac ah ayaa xalay waxa uu ku dhex maray magaalada Baydhabo gudoomiyaha degmadaas Xasan Macallin Biikole iyo ciidamo katirsan Xarakada Alshabaab.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaan la ogeyn ilaa iyo hada qasaaraha uu geystay inta uu la egyahay ayada oo uu markii dambe iskiis u istaagay.
Xarakada Alshabaab ayaa dhawaanahaan laba jibaartay weerarada ay ku beegsanayso habeenadii saldhigyada ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye balse weli lama oga sababta ay sida gaarka ah ugu beegsatay xalay ilaalada gudoomiyaha degmada Baydhabo, Biikole.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaanan weli ka hadlin weerarka xalay lagusoo qaaday ayada oo aysan sidoo kalena weli ka hadlin weerarkaas Xarakada Alshabaab.
Xafiiska war qabadka Baidoa media ee
Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com