Thursday, May 23rd, 2013

Dagaal maanta ka dhacay garoonka Bali doogle.

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay ciidamada dowlada oo garabsanayo kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Bali doogle maalin un kadib markii ay shalay booqdeen halkaas saraakiil sare oo AMISOM katirsan, kuwa  dowlada Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadii uu wakhtigeeda dhamaaday ee KMGka ahayd.

Dagaalka oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa weerarka soo qaaday ciidamo katirsan Alshabaab kuwaasoo weeraro ballaaran kusoo qaaday garoonka Bali doogle.

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaalka maanta ka dhacay Bali doogle afar qof.

Alshabaab ayaa maalmo kahor lagala wareegay garoonka diyaaradaha Bali doogle iyo degmada Wanla weyn kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM weerar kusoo qaadeen halkaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply