Dagaal ka soconaya magaalada Kismaayo iyo shirkii maamul u sameynta Jubbooyinka oo baaqday.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasii ka soconayo dagaal salka ku hayo aano iyo gacan ku haynta magaaladaas.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex marayaa ciidamada Axmed Madoobe ee ay sida gaarka ah iskugu beesha yihiin iyo weliba ciidamo kasoo jeeda beesha Mareexaan.

Dagaalka ayaa daba socda dil habeen sii horaysay gudaha magaalada Kismaayo ay ciidamada Axmed Madoobe ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beesha Mareexaan.

Dagaalka oo ay qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacayaa agagaarka saldhiga Kismaayo.

Jawiga magaalad ayaa ah mid kacsan sida ay wararka halkaas ka imaanaya sheegayaan, waxaa sidoo kalena dib u dhacay shir lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Kismaayo kaasoo la rabay in maamul loogu dhiso gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowlada Soomaaliya iyo ergooyinkii la filayay inay shirkaas ka qayb galaan ayaanan tegin Kismaayo ayaga oo ka baaqsaday casuumadihihii loo fidiyay-

Horay ayay dad badani uga digeen inaan lagu deg degin shir ka dhaca Kismaayo oo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo maamul loogu dhisayo ayada oo la ogyahay Soomaalidu sida ay ugu kala badantahay gobolada marka loo eegayo saamiga wax qaybsiga.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID