Thursday, June 20th, 2013

Dagaal ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Dagaal ayaa mar kale waxa uu caawa fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo gaar ahaan duleedka magaalada halka loo yaqaano Maanyafuulka oo ah dhanka magaalada looga baxo ee wadad aado magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Alshabaab soo weerareen fariisin ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Bay ayada oo uu wariyaha baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo soo sheegayo inuu goor dhow soo idlaaday dagaalkaas oo aan weli la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxa ay dagaalka kaga qayb qaateen madaafiicda qoriga BMka oo ay dhor saalbo u rideen halkii ay ciidamada Alshabaab kasoo weerar tageen.

Wariyaha shabakada warbaahinta baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale soo sheegayo inuu dagaalku ahaa mid lamid ah kii xalay magaalada ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Alshabaab oo weli ku sugan deegaanada ku hareeraysan magaalada.

Waa habeenkii labaad ee ay ciidamada Alshabaab weerar kusoo qaadaan magaalada Baydhabo inkastoo dagaalka caawa uu ka dhacay duleedka magaalada oo aanay inta badan dadka magaalada ku sugan kaba warhaynin marka lagasoo tago madaafiicda qoriga BMka oo ay maqleen.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa ah hada mid degan sida uu soo sheegayo wariyaheena.

 

Wixii warar ah ee kusoo kordha arintaana kala soco shabakada warbaahinta baidoamedia.com haduu Illaah idmo.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply