Wednesday, May 22nd, 2013

Dagaal ka dhacay deegaanka Goof gaduud iyo Alshabaab oo iskaga baxday Buur hakaba.

Dagaal xoogan oo mudo laba saacadood ku dhow socday ayaa waxa uu ku dhex maray ciidamada dowlada oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya iyo Xarakada Alshabaab deegaanka Goof gaduud oo dhanka koonfureed ee magaalada Baydhabo ka xiga.

Dagaalka oo xooganaa ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Bay Cabdifitaax Geeseey kaasoo sheegay inay dileen laba katirsan ciidamadii Alshabaab hubkoodana soo qaateen, ”Waxaa uu ahaa howl gal aan ku dilnay labo dagaalyahan, labo qori oo hubkooda ahaa waa soo qaadnay, ciidamada dowladda ayaa howl galka sameeyay, kuwii kale ee nabad diidka ahaa waa carareen”ayuu yiri C/fataax Geesey.

Dhanka kale, saraakiisha Alshabaab ayaa sheegay inay dileen askar badan oo katirsan kuwa dowlada iyo Itoobiyaanka balse cid xaqiijin karta sheegashada labada dhinacba malahan marka lagasoo tago dadka deegaanka Goof gaduud oo sheegay inay arkeen meydadka lix katirsan dhinacyadii dagaalamayay.

Dhinaca kale, ciidamadii Alshabaab ee ku sugnaa degmada Buur hakaba ayaa faarujiyay halkaas kadib markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM qabsadeen shalay degmada Wanla weyn, sarkaal lagu magacaabo Abuu Muslim ayaa ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan cidii soo dhaweyso ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply