Dagaal saacado qaatay oo aad u xooganaa ayaa shalay gabaldhicii waxa uu ka dhacay xarunta gobolka Bakool ee Xudur. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo ciidamada Xarakada Alshabaab.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday Xarakada Alshabaab ayada oo uu markii dambena kusoo faafo gudaha degmada Xudur sida ay soo sheegayaan dadka magaalada Xudur.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bakool Maxamuud Cabdi Nuur ayaa yiri, ”Shalay galab bey soo weerareen, waana la iska difaacay, qasaare waa loo geystay, ma ahan daciiftinimo xageena waa na soo weerareen niman difaac ku jira baan aheyn, sidaas darteed Isgaarsiinta waxaan u daminay si aan firxadkooda isu heleelin” sida uu u sheegay gudoomiye kuxigeenka BBCda laanteeda afka Soomaaliga.
Dhanka kale, sarkaal u hadlay Xarakada Alshabaab ayaa sheegay inay Xudur saacado gacanta ku hayeen kadibna iskagasoo baxeen.
Dagaalka ka dhacay Xudur ayaa waxa uu noqonayaa kii 2aad mudo 10 cisho ah gudahood ayada oo ay hada u muuqato inay Alshabaab weeraradeeda sii laba jibaartay gaar ahaan bishaan barakeysan ee Ramadaan.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com