Dagaalo xoogan oo faraha looga gubtay ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay deegaanka Leego oo u dhexeeyo degmooyinka Buur hakaba iyo Wanla weyn.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM weerar culus ku qaadeen deegaanka Leego oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Weerarka ay qaadeen ciidamada is garabsanayo ee dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ahaa mid xoogan waxaana ka dhacay deegaanka Leego dagaal aad u qaraar kaasoo waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh soo kala gaarsiiyay labada dhinac.
Taangiyada ciidamada AMISOM ayaa qayb ka ahaa dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Leego ayada oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM markii dambe la wareegeen deegaanka Leego iyo deegaanada ku hareeraysan sida uu sheegay abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed jeneraal Cabdikariin Dhega badan.
Wadada u dhexayso Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhexayso Buur hakaba iyo Daafeet ayaa dhawaanahaanba waxaa ka dhacayay dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dhanka kale oo ay kasoo jeedaan ciidamada Xarakada Alshabaab.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com