Dagaal culus oo xalay ka dhacay inta u dhexayso Jowhar iyo Balcad.

<

Dagaal xoogan xoogan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay inta u dhexaysa degmada Balcad iyo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe.

Dagaalka oo dhex maray ciidamada dowlada oo ay weheliyaan kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Qalimow gaar ahaan meel u dhow tuulada Garasaale oo ku taalo inta u dhexayso Balcad iyo Jowhar.

Sarkaal lagu magacaabo Asad Qaasim oo u hadlay ciidamada dowlada ayaa sheegay inay dhanka Alshabaab ka dileen 13 dagaalyahan sadexna dhaawac ku qabteen halka sid

man wearing snorkel smoking cigarette smiling

oo kalena ay saanad milatari kala wareegeen isaga oo dhinaca kalena sheegay in dhankooda uu hal askari kaga dhintay dagaalka sadex kalena kaga dhaawacantay.

“Waxaa weerarka nagula soo qaaday xalay saqdii dhexe, iyagoo tikniko wata waana ka hortagnay, waxaa ka qabanay saanad milateri, saddex dhaawac gacanta ku heynaa, waxaa ka dilnay 13 ruux, anaga labo askari naga dhaawacantay, hal askari waa naga dhintay”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay saaka idaacadaha Muqdisho.

Cid weli u hadashay Xarakada Alshabaab ma jirto oo ka warbixisay dagaalkii xalay.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa mudaba sheegayay inay la wareegayaan weerarna ku yihiin magaalada Jowhar balse dagaalka xalay lagusoo qaaday ayaa noqonaya mid aanan la filanaynin ayada oo ay saraakiisha dowlada Soomaaliya ku cel celin jireen inaanay ciidamo xoogan oo Alshabaab ah ku sugnayn gudaha magaalada Jowhar.

Baidoa media.

man wearing snorkel smoking cigarette smiling
zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.