Monday, May 20th, 2013

DADKEYGOOW BARAARUGA. GABAY XIISA BADAN.

Deelleyda maansada demenkaan ma daadihin

Dammiin maan ahaynoo dockayeerna ma ihiye

Dalkii iyo dadkii iyo diintiyo dantii guud dareen baa I wada e

Dadka aan la hadlayoow dareenkiin I siiya.

Dowladnimadu waa deeq Alle nimuu doono siiyaa

Dadka oo is ogol iyo daacadnimiyo isku duubni

Dadaal loo dhan yahay iyo ducadoo la badiyaa

Dowgaasaad ku gaari daa’inse haddaanu kuu qorin

Dembi aad kasbatay iyo dow kale waxay tahay

Dibnaha saari meysid docda kalana hadalka

Damac guracanoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war mooge diirsanin abide

Dadkeygoow baraaruga!

Dowladnimadu waa dayr weynoo aad ka dugsataa dabeyshiyo

Duufaanada dhacaayiyo dulmiyada wareega

Dalka iyo dadkii iyo diintiyo danta guudna difaacoodu weeyaan

Damac guracanoon la gaareynse dowladnimadu ma ahee

Doqon baa warmooge diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Dulmigiinan badan iyo dibindaabyo aan go’in

Dakane soo jireeniyo dagaal hoose oo qabow

Dowlado laysu adeegsadoo dirqi laysku muquuniyo

Darajada ugu sareysiyo dowladnimada magaceed in diiradda la saarto

Dowladdaan hoggaamin ama daadku I qaad damaciiba noqoyee

Dalka iyo dadkii iyo diintiyo dantii guud dan inaanba laga gelin

Dowladnimadu ma ahee, doqon baa warmooge diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Dastuurkoo la beddela iyo dood aan dhammaaneyn

Diiday kii yiraahdana dabin baa u qoolane

Dibad joogtayaa iyo dalka gudihii kolay tahay

Dareen kii qaboow ogoow diirad baa ku saarane

Dano qarsoon haddaanay jirin waa lay dooransiin lahaa

Dirqi inaan ku ansixiyana doodu may ahaateen

Damac goracanoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war mooge diirsanin abidee

Dadkeeygoow baraaruga!

Dunidaan maanta joogno dowladihii waaweynaa baa

Dagaal iyo digdigleyn iyo dabaabaad casriya iyo diyaaradaha duula

Damacood ku gaarine ku diirsanin dantoodee

Damac guracanoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa warmooge diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Dagaal door ma dhalo e, dagaal aan libin lahayn iyo

Dad is xigoo walaalaa degaan iyo daaqsin iyo dar qura wadaaga

Dilaha iyo kii laga dilay duugtuba hadday wadaagaan

Dibnahood qaniintiyo dib ka qoomameyni dabuubtaadu hadday noqon

Danteena meynu garano docda kalana hadalka

Damac guracanoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war moogee diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Dal dahanoo barwaaqaa dahabka uu dhex jiifo

Dusha sarana dalaga durduraan webiyada

Deeqi ay ka buuxdaa daa’in nagu maneystee

Ma duugowdo taariikhdee deminkii horee dhowaa

Darajada raggeediyo door waa taan ahaynee

Damankaan la joogase dabadareer siyaasadeed

Door aan la qaadan iyo dulligani muxuu yahay

Damac guranoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war mooge diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Isku duubni waxaad ku weydo kala durugsanaan kuma gaadho e

Dad dhashayoo walaalaa dan ul iyo diirkeed is dugsadaad tihiine

Doqowdii awoowee rag doorkii ahaaye dalkan iyo dadkiisa

Dantoodoo mideysan deeqda noogu reebay ducada u badiya

Durduradii jannada iyo daarihii firdowsa daaniya alloow sii

Dammac guracanoon la gaareynse dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war mooge diirsanin abide

Dadkeygoow baraaruga!

Duhur haddii la gaaro aroortii ku dhaaftay damaceed dhammaaye

Diigstada martidaba digataa ka roone dad waxaa u liita

Doqon door is moodiyo daalim daliil cuskanaya iyo

Damiir laawe diir nixin dano kale u adeegayoo

Dantii guudna garaneyn daa haddaad tiraahdana

Dabley dooxataa iyo dummiyaha qabiilka dadka ugu hanjabaya

Damac guracanoon la gaareyn dowladnimadu ma ahee

Doqon baa war mooge diirsanin abidee

Dadkeygoow baraaruga!

Daa’imoow allahayoow daa’inkii dunida tani

Daalim iyo daliilba deeqdiisa ku mannaystay

Daymadiisa aakhiro dulmiilaha u diidayoow

Deeqdaada wadhan iyo dowladnimiyo darajo

Dadkaad doonto siisaa dalkeygiyo dadkeyga

Daymadaada naxariista ku dayashadii Rasuulka (SCW)

Dad iyo jeceloo walaalaa alloow danahooda kheyrkiyo

Dowladnimada gaarsii alloow danooda kheyrkiyo Dowladnimada hanasii.

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply