Dabley aan heybtooda la aqoon ayaa dil ugu geystay dad xoolo dhaqato ah deegaanka Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Dableyda ayaa dadka xoola dhaqatada ah u dishay aano qabiil oo salka ku hayso beelo deris ah oo in mudooyin ahba waan waan laga dhex waday kadib markii ay tiro dhowr jeer ah gacan ka hadal dhex maray.
Deegaanada u dhow Gelinsoor ayaa laga dareemayaa xiisad dagaal ayada oo aanay weli ka hadal maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb oo ay kasoo kala jeedaan beelaha dagaalada u dhexeeyaan.
Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis kala saxiixdeen beelaha ood wadaagta ah ee uu muranka daba dheeraaday ka dhexeeyay balse dhowr jeer oo hore ayay isku dayo sidaan oo kale ah guul dareysteen.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com