Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta u ah gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu xir xiray ilaa tobaneeyo qof oo looga shakisanyahay inay katirsanyihiin Alshabaab.
Taliyaha booliska degmada Garbahaarrey Cismaan Macallin ayaa sheegay in howlgalka lagu
xiray in ka badan toban qof oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin al-Shabaab.
Dadka lasoo xir xiray ayaa ka dambeysay kadib markii ay ciidamada dowlada ee gobolka Gedo qaadeen howlgal amaanka lagu sugayo kana war heleen in si qarsoodi ah ay magaalada Garbahaarey kusoo galeen rag Alshabaab katirsan.
Taliyaha booliska Garbahaarey waxa uu sheegay inay dadka ay soo qab qabteen aanay wadan wax hub ah balse ay ka yimaadeen degmooyinka Buur dhuubo iyo Baar dheere oo ay weli gacanta ku hayso Xarakada Alshabaab.
Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday magaalada Garbahaarey oo horay looga qabsaday.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com