Thursday, May 23rd, 2013

Dad Shabaab lala xiriirinayo oo Mareykanka lagu xayiray.

Dalka Mareykanka ayaa waxay xayiraad xaga dhaqaalaha ah kusoo rogtay ilaa iyo lix ruux oo ay 2 kamid ah ahaayeen saraakiil u dhashay dalka Ereteria.

Raga xayiraada xaga dhaqaalaha ah la saaray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xaga dhaqaalaha ka caawin jireen Xarakada Alshabaab ayaga oo sidoo kalena ka shaqeeyay isku biriiritaankii Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Susan Rice ayaa sheegtay in dhamaan lixdan qof ay xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabab, isla markaana ay Qatar ku yihiin nabadda iyo rajada laga qabo xasilooni ka dhalata Gobolka oo dhan.

Isla maalintii shalay ahayd ayaa waxaa dad lala xiriirinayo ururada argagaxisada waxaa lagu qab qabtay dalka Ingiriiska oo dhawaan la filayo inay ka dhacaan cayaaraha olombikada aduunka.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply