Saturday, May 25th, 2013

DAD DOWLAD LEH HADANA DOWLAD LA’AANA DIGIL-I-MIRIFLE.

Si aynu uga baxno jahawareerka siyaasadeed, ku metelaad la’aanta heerarka siyaasadeed ee dalka iyo dibadda, rajada iyo horumarka ummaddana usoo noqoto waxaan soo jeedinayaa talooyinkaan soo socda:

1)      In dib loo howl-geliyo Dowlad-Goboleedkii Digil-i-Mirifle ee 1994tii.  Dowlad-goboleedkaan wuxuu ahaa maamulka keliya ee dadweynaha Digil-i-Mirifle ay u dhammaayeen dhismihiisa iyo ka qeyb-galkiisa (min tuulo ilaa gobol).  Wuxuu ahaa Dowlad-Goboleed aqoonsi buuxa ka helay Beesha Caalamka (UN, EU…).  Qaabdhismeedkii dowladdaas – shuruucdeeda iyo qawaaniinteedii, ayidaadii beesha caalamka iyo dhammaan wixii warbixino ahaaye laga qoray waxaa si sahal ah looga helayaa aarkiifiyada xafiiska UNOPS ee ku yaala Nairobi.  Waxaaba dhici karta dukumentiyadaas inay hayaan raggii siyaasiyiinta ahaaye ka mid ahaa dowladdaas.  Ma garanayo meel ay ku burburtay sharciyadda ay dowladdaani leedahay ilaa maantadaan aan joogno, waayo ma jiro dowlad ama maamul iyadaas ka dambeeyey oo dadweynaha Digil-i-Mirifle oo wadajira ay sammeysteen.   Dib u howl-gelinta dowladdaas, iyadoo laga saxayo wixii beddelaad u baahan, waxaa ku jira faa’iidooyinka soo socda:

 

a)      MAAMUL DHAMMEYSTIRAN:  Waa dowlad leh maamul dhammeystiran min tuulo – gobol ilaa heer dowladeed.  Waxaa lagu aasaasay shirweynihii caanka ahaa MEY NIING DANG E, shirweynahaasoo socday muddo afar bilooda ayna kasoo qeybgaleen dhammaan siyaasiyiinta, malaaqyada, salaadiinta, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, dhalinyarada, haweenka iyo qeybaha bulshada oo dhan.  Natiijada go’aankii shirka kasoo baxdayna waxay ahayd tii lagu aasaasay Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya yeesho.

 

b)      AQOONSI DOWLADEED:   Dowladdaas waxay heshay aqoonsiga Beesha Caalamka taasoo fududeyneysa dib-u-howlgelinteeda.  Aqoonsiga waa arinta ugu dhibta badan inaad u hesho maamul walboo cusub ee aad sammeyso.  Laakiin dowladdaas waxay taa kaga duwan tahay inay horeyba u wadato aqoonsigeeda ee aanay cidna hadda uga baahneyn aqoonsi.  Sarkaal UN-ka ka socday baa waagaas wuxuu yiri Digil-i-Mirifle waxaad Soomaalida ka hormarteen toban sano sida qorshaha UN-ku ahaa.

 

c)       DHAQAALE IYO QARASH:  Haddii dib loo howlgeliyo dowladdaas waxaa noo baaqanaya dhaqaale iyo qarash fara badan oo ku bixi lahaa haddiiba laysku dayo in mid cusub la sameeyo.

 

d)      HORDEGID SIYAASADEED:  Dowladdaas waxay waxba-kama-jiraan (null and void) ka dhigeysaa dowlad-goboleed walba oo iyada dabadeed lasameeyey, dowladdaasoo lagu sameeyey gudaha xudduudaheeda sharciga ah.

 

2)      In dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta arlaadi ay dabagalaan arintaan oo waraysiyo gaar ah nooga qaadaan masuuliyiintii dowladdaas ee jooga gudaha iyo dibadda dalka.  Inay nooga wareystaan bal suuragalnimada dib-u-howlgelinta dowladdaasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin.

Bani’aadamka waxaa caqliga loo siiyey inuu ku kala garto waxa xun iyo waxa wanaagsan; inuu wax ka barto wixii soo dhaafay; inuu garasho u lahaado wuxuu markaasi ku sugan yahay; iyo inuu saadaalin karo waxa kusoo socda.  Guud ahaan, dadku sidoodaba bil isma dheera oo qof waliba wuxuu ku dhashay sagaal bilood, waana isku bidhaan iyo birlab simmana weeyoo muuqaalka iyo qaabka dhismaha jirkana waysaga mid.  Waxay ku kala hormaraanse waa hadba kuwii is buurta, hadba kuwii is baanta oo bar qura lahaadoo bushi hadduu yimaadana basarka looga baxayo beekhaamin garan yaqaana – boqorkooduna waysaga.

Intaasoo arar ah waxaan ugu duurxulayaa inaan waxyar ka iraahdo Siyaasadda Digil-i-Mirifle iyo halka ay maanta marayso iyo halka ay ku wajahan tahay.  Waxaan aaminsanahay in qof waliba ka dheregsan yahay halka ay mareyso xaaladdeena siyaasadeed ee maanta, hayeshee,  ujeeddada qoraalkeygaan waa inuu u noqdo is xusuusin ciddii horey u garanaysay; inuu ku baraarugo ciddii huruday; iyo inuu farriin cad u noqdo inay ummaddani weli nooshahay oo dareenkeedu taam yahay waayuhuse ka wareegey.

Sababta ugu weyn ee igu dhalisay qoraalkaan waa annigoo jecel inaad ila qeybsataan aragtideyda miskiinta ee ku wajahan halka ay mareyso iyo halka ay  ku wajahantahay siyaasadda dalka.  Siyaasadda dalka maanta waxaa udub dhexaad u ah waxa loo yaqaan ROADMAPKA iyo Dastuurka cusub.  Labaduba haddaad si fiican u derestid waxaa kuu soo baxaysa in mustaqbalka siyaasadda dalka wax lagu qeybsan doono DOWLAD-GOBOLEED keliya, ciddii aan dowlad goboleed lahayna ay sidaasi GUULUTOOTHEY ku ahaan doonto.

Tusaale gaaban waxaa kaaga filan ka qeybgalayaasha shirta haatan ka socda Addis-Ababa ee laysugu yeeray SAXIIXAYAASHA ROADMAPKA.  Waxaa kulanka isugu yimid: Beesha Caalamka, Dowladda Kumeelgaarka, Puntland, Galmudug, iyo Ahlu-Sunna-Waljamaaca.  Markaan sawirkaan arkay baan waxaan is weydiiyey su’aalo dhowr ah: a) YAA KU METELAYA KULANKA SIYAASADDA Digil-i-Mirifle?  b) Mayeynaan lahayn dowlad ama maamul metela siyaasaddeena?  c) Miisaan intee le’eg baynu ku leenahay saameynta siyaasadaha dalka Soomaaliya?

Su’aalahaan oo in badan lays weydiiyey waxay caqliyada dadka ku reebeen caajis iyo rajabeel.  Waayo haddii isla sheygii lagu soo celceliyo wax natiijo ahna aanay kasoo baxaynin waxay dadku ku reebi niyad-jab iyo jahawareer.  Anniguse waxaan maanta idiin hayaa fikrad ka duwan kuwii hore taasoo aan aaminsanahay hadday dhaqan gasho inaan uga bixi karno METELAAD LA’AANTA SIYAASADEED ee nagu habsatay muddo dheer.

Digil-i-Mirifle haddaan nahay waxaan caada ka dhiganay inaan mar walba wax cusub oo hor leh sammeyno annagoo ka tageyna waxaan horey u sammeysanay.  Beddelka halkii aan ku mintidi lahayn waxaan ku heshiinay oo aan sharciyan sammeysanay waxaan arkaysaa in dhowrkii sano ka dib wax cusub iyo magac cusub lala yimaado.  Ummadi karaamadeedu waxay ku xiran yahay hadba sida ay ummaddaasi u ilaaliso, dhowrto, horumariso hadba wixii maamul ahaan, xeer ahaan iyo dhaqan ahaan ay u leedahay.

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

unishef@live.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


2 Responses to DAD DOWLAD LEH HADANA DOWLAD LA’AANA DIGIL-I-MIRIFLE.

  1. Ali soomali says:

    Runtii waa fikrad muhiim ah, isla markaasna meel mar ah, maamul goboleedka KG ee ay leeyihiin D/Mwaxaa la aasasay ayadoo aysan jirin maamulo kale oo badan hadana waa ka dambeynaa, sideedaba Somali waxwalba angaa ugu horeyna hadana anagaa ugu dambeyna, fikradda federal markuu halyeygii zoope IHUN uu soo jeediyey goormay aheyd, runtii somalia gobanimo ma qaadan markaas, maantana wa taa tii aan dhisanay ayaan waxaan kasoo qaadnay waxba kama jiraan. intaan anaga isku maqan nahay ama naloo adeegsanayo in nin doorkena aan bah dilno meel ma gaareyno.Wabillahi Towfiiq.

  2. abdi says:

    waa talo wanagsan haddad ledahey halagaharo goboladii bahwadaaga la ahaa magacii mideynlahaa waad mahadsantahey

Leave a Reply