LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Dacwada wariye Cabdicasiis Koronto oo dib loo dhigay.(Sawiro)

Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir oo maanta la hor geeyay dacwada eedaysanayaasha kala ah wariye C/siis C/nuur Abraahim Koronto iyo Luul Cali Cismaan oo ayada ah haweenay ay horay u kufsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya balse lagu eedeeyay inay been abuur ka sameysay ciidamada lana xukumay ayaa dib u dhigtay go’aan ka gaarista dacwada labada eedaysanayaal.

Maxkamada oo aqbashay inuu qareenka u doodaya wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan hor keeno maxkamada wixii cadeyma ah ee uu hayo ayaa markii ay dhegaysatay qareenka aragtayna cadeymihii uu soo gudbiyay waxa ay sheegtay inay go’aan ka gaarista eedaysanayaasha dib ugu dhigtay ilaa iyo maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Qareenka u doodaya wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Afrax ayaa sheegay inuu rajo ka qabo inay maxkamadu laasho dacwada wariyaha iyo haweenayda la xiran.

Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul Cali Cismaan ayaa waxaa lagusoo eedeeyay inay been abuur ka sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya sidaasna min hal sano oo xarig ah lagu xukumay ayada oo ay ku xukuntay maxkamada gobolka Banaadir.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID