Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

DACWAD KU SHEEGTA WARIYE CABDICASIIS KORONTO OO KA FURMAYSA MAANTA MAGAALADA MUQDISHO.

Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim Koronto ayaa lagu wadaa inay maanta ka furanto magaalada Muqdisho xili ay hay’adaha xaquuqul insaanka si weyn ugasoo horjeedaan xariga wariyaha oo bishii lasoo dhaafay ee Janaayo tobankeedii ay xireen ciidamada nabadsugida.

Wariye Cabdicasiis ayaa lala maxkamadeynayaa sidoo kale haweenay ay horay u kufsadeen ciidamada booliska dowlada Soomaaliya balse markii dambe war aan jirin uu ka tebiyay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed jeneraal Shariif Sheekunaa Maye.

Wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim iyo haweenayda uu wareysiga ka qaaday ee la kufsaday ayaa lagu wadaa in xukun been abuur ah lagu qaado ayada oo uu sidoo kale xiranyahay ninka qaba haweenayda la kufsaday.

Daniel Bekele oo kamid ah hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ee uu fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inay tahay wax lagu qoslo inay dowlada Soomaaliya xirto haweenay la kufsaday iyo wariyihii wareysiga ka qaaday.

” Baaritaanka ay boolisku ku sameynayaan dacwadaan waa mid siyaasadeysan taasoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo kuwa soo tebinaya dhibaatada baahsan ee kufsiga ah ee ay geysanayaan ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Mr. Daniel Bekele oo ka tirsan Human Rights Watch.

Waxaa jirto cabsi ah in lagu xukumo wariye Cabdicasiis Koronto mudo lix sano ah halka haweenayda kufsiga loo geystayna lagu wado in lagu xukumo sagaal sano oo xabsi ah ayada oo loo haysto inay ka been sheegtay ciidamada booliska waa sida ay ku doodayaane booliska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in la tooganayo askarigii kufsadaa haweenay Soomaaliyeed balse taas bedelkeed hada waxaa la maxkamadeynayaa haweenaydii Soomaaliyeed ee la kufsaday iyo wariyihii warkeeda soo gudbiyay.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID