Sunday, May 26th, 2013

Dabley dhac u geysatay xawaalada Mustaqbal laanteeda Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Dabley ku lebisan dareyska ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta barqanimadii waxa ay dhac u geysteen xawaalada Mustaqbal laanteeda degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Raggaan hubeysan ayaa waxa ay ka qaateen kumanaan doolarka Mareykanka ah xafiiska xawaalada Mustaqbal ee degmada Waaberi sida uu saxaafada u xaqiijiyay taliyaha saldhiga booliska Waaberi ee dowlada KMG Soomaaliya gaashaanle dhexe Axmed Xuseen Axmed.

Sida u sheegay taliyaha rag dabley ah oo ay tiradoodu gaareyso shan watayna gaari nooca ruuneedka ah ayaa waxa ay xoog kusoo galeen xawaalada Mustaqbal laanteeda degmada Waaberi gaar ahaan Via Liberia ayaga oo halkaas ka qaatay lacag kumanaan doolar ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply