Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SUF oo ka dhisan magaalada Västerås ee xarunta gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa si qurux badan ugu dabaaldegalay 1da Luulya oo ah maalintii xoriyada dalka Soomaaliya.
Ururka ayaa soo bandhigay riwaayad qurux badan oo loogu magacdaay ” Isma seegi doonee mar un aan xorowno” taasoo ay jilayeen xubnaha ururka SUF.
Xaflada ururka uu soo bandhigay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay gudoomiyaha ururka SUF, masuuliyiin ka socotay magaalada Västerås ee dalka Sweden iyo qaar kamid ah odayaasha iyo macalimiinta Soomaalyeed ee magaalada Västerås.
Boqolaal katirsan dadka Soomaaliyeed e ku dhaqan magaalada Västerås ayaa xaflada kasoo qayb galay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com