Gudiga FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KA JHARTEE oo ah dhalinyaro reer Baydhabo ah oo is xilqaantay ayaa bilaabay qaybtii labaad ee dib u dhiska isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.
Gudiga ayaa hada u tafa xeytay dhismaha jardiinooyin ay ku nastaan dadka soo booqda bukaanka ku jiro isbitaalka Baydhabo iyo weliba bukaanka lafsad ahaantiisa.
Sidoo kale gudigu waxa uu dhisayaa barxada isbitaalka Baydhabo si ay ugu sahlanaato inay shaqaalaha isbitaalka sariiraha lugaha leh u kala gudbiyaan qaybaha kala duwan ee isbitaalka.
Hadaba waxa uu gudiga FOOLKAA DHIGOOY FAYTAAWAA KA JHARTEE ugu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya inay gacan ka geystaan dib u dhiska iyo dayactirka isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo oo ah isbitaal ay ku xiranyihiin dadka dhowr gobol oo ku yaala koonfurta Soomaaliya gaar ahaan koonfur galbeed.
Gudiga ayaa waxaa wixii tabarucaad ah loogu hagaajin kara koontadooda xawaalada Dahabshiil ee ah BAYDOOO9800
Waxaad sidoo kale kala xiriiri kartaan gudiga magacyada hoose iyo teleefoonada la socda.
Ibrahim Axmed Ibrahim 00252615515623
Aadan keerow 00252615235514
Daahir Mayow 00252615010005
Xassan Gaduudow 00252615571712 iyo
Cabdicasiis Sheikh Nuurow 00252615593932
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com