Saturday, May 18th, 2013

Daawo Sawirada danjire Maxamed Mursal oo soo sagootiyay markab khal fara badan u sida Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga mudane Maxamed Mursal ayaa soo sagootiyay markab shixnad iskugu jirto khalab ay kamid yihiin gawaari dhisme iyo cunto soo sagootiyay.

Markabka ayaa waxaa saarnan 72 gawaarida oo isugu jira Makiinadaha lagu sameeyo wadooyinka, Baabuurta qaada qashinka, Makiinada wax lagu qodo, ayadoo sidoo kale gawaarida saran markabkani isugu jiraan gawaarida iska roga ah, booyado, kuwa shamiintada qasa iyo kuwa wadooyinka lagu nadiifiyo, waxaa shixnadda saaran markabkani ka mid ahaa raashin isugu jira Bur iyo Sokor oo midkiiba gaaraya ilaa iyo 2000 oo Tan.

Dowlada Turkiga ayaa gar gaarka u badan siisa dalka Soomaaliya ayada oo uu dalka Soomaaliya horay usoo booqday raisalwasaaraha dalka Turkiga Erdogan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply