Ayada oo maanta guud ahaan caalamka Islaamka si weyn looga xusay munaasabada ciida Carafo ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya iyo dibadaba waxa ay si weyn ugu dabaal degeen ciida Carafo ayaga oo iskugusoo baxay masaajida waaweyn iyo garoonada kubbada lagu cayaaro si ay salaada ciida u tukadaan.
Hadaba, jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Västerås oo xarun u ah gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa si weyn u oogay salaada Ciida Carafo una xusay.
Jaaliyadda ayaa iskugu timid garoonka basketka ee xaafada Råby gaar ahaan Råby Centrum oo xarun u ah xaafada Råby halkaasoo salaada Ciida lagu tukaday.
Inkastoo ay maanta Ciida kusoo aaday maalin dalka Sweden ay ka tahay maalin shaqo iyo waxbarasho oo ay iskuulada iyo jaamacaduhu furanyihiin ayaa ay hada tiro badan oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Västerås.
Soomaalida ayaa iskugu hambalyeynaysay Ciida ayaga oo sidoo kalena si weyn ay uga muuqatay farxad dalkii Soomaaliyana u rajeynayeen nabad iyo horumar.
Cali Dhaqane, Västerås, Sweden.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com