Wednesday, May 22nd, 2013

Daawo sawirada bandhig dhaqameed ay ka qayb galeen dhalinta ururka SUF ee dalka Sweden.

Dhalinyarada ururka SUF ee ka dhisan gobolka Vastmanland ayaa waxa ay shalay oo ay taariikhdu ahayd 28/4/2012 wacdaro ka dhigeen barnaamish loogu dabaaldegayay maalinta dhaqanka ee magaalada Sala ee isla gobolka Vastmanland ee dalka Sweden.

Dhalinyarada ururka SUF ayaa munaasabadaas waxa ay kusoo bandhigeen cayaaro dhaqameedka dadka Soomaaliyeed ayada oo uu munaasabadaasna soo qaban qaabiyay ururka horumarinta isboortiga iyo waalidiinta magaalada Sala.

Xamsa Cumar oo ah xoghayaha ururka horumarinta isboortiga iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee magaalada Sala oo khudbad gaaban halkaas ka jeediyay munaasabada habeenka dhaqanka ee degmada Sala ayaa waxa uu sheegay inay ku faraxsanyihiin inay usoo bandhigaan shacabka ku dhaqan magaalada Sala ciyaaro dhaqameedka dadka Soomaaliyeed oo ka yimid dal kumanaan kiiloomitir ka fog dalka Sweden.

Sidoo kale Xamsa Cumar ayaa mahadnaq gaar ah u celiyay Hana Cali Ibraahim oo kamid ah gudiga fulinta ururka horumarinta isboortiga iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee degmada Sala oo qayb weyn ka qaadatay isku dubaridida munaasabadii shalay ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degmada Sala iyo weliba ururka dhalinyarada SUF ee ka dhisan guud ahaan gobolka Vastmanland sida wadajirka ah uga qaybqaateen.

Barnaamish dhaqameedka loogu magacdaray Kulut natta ama habeenkii dhaqanka ee degmada Sala ayaa waxaa la qabtaa sanadkiiba hal mar ayada oo marka dowladaha ay dadkoodu ku noolyihiin dalka Sweden midkood lagu casuumo habada munaasabada sanadkaan ayaa waxaa lagu casuumay jaaliyadda Soomaaliyeed ee degmada Sala ku dhaqan ayada oo ay kasoo qaybgaleen dad fara badan oo Iswiidhis ah iyo weliba kuwo Soomaali ah.

 

Baidoa media, Sweden.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply