LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

DAAWO SAWIRADA ASKARIGII FARANSIISKA LOOGA DILAY BUULO MAREER.

Alshabaab ayaa soo bandhigtay sawirada askari ay qabsadeen isaga oo dhaawac ah balse markii dambe u geeriyooday dhaawicii, kaasoo qayb ka ahaa ciidamada Faransiiska ee weerarka kusoo qaaday saldhiga Alshabaab ee deegaanka Buulo Mareer.

Bayaanka oo kasoo baxay xafiiska war faafinta Xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay inay qaybta caafimaadka Xarakadu isku dayday inay bad baadiso askariga dhaawaca ahaa balse ay suurta geli weysay taas sidaasna uu ku dhintay.

Alshabaab kuma aysan magacaabin bayaankooda askariga dhintay balse waxa ay sheegtay inay faafin doonto sawirka askariga lagu dilay Buulo mareer kaasoo ay hada soo bandhigtay.

Dhanka kale, Xarakada Alshabaab waxa ay bayaanka ku sheegtay in go’aan laga gaaray lahaystaha Faransiiska ah ee lagu magacaabo Daniel Alex balse ma aysan cadeynin waxa uu yahay go’aankaas inkastoo bayaanka lagu sheegay in saacadaha soo socda la shaacin doono faah faahin ku aadan go’aankaas waxa uu yahay.

Ciidamada Komaandoosta Faransiiska ayaa weerar fashil ku dhamaaday kusoo qaaday deegaanka Buulo Mareer si ay usoo bad baadsadaan lahayste Daniel Alex ayaga oo halkaas lagaga dilay askari mid kalena laga qabsaday kaasoo isna hada geeriyooday, balse ciidamada Faransiiska ayaa sheegtay inay laayeen ilaa 17 dagaalyahano Alshabaab ah warkaasoo aan la xaqiijin karin maadaama ay dad rayid ah laayeen ciidamada Faransiiska sida ay sheegayaan wararka ka imaanay deegaanka Buulo Mareer.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *


*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>