Thursday, May 23rd, 2013

Daawo Sawirada askari Itoobiyaan ah oo Muslimay lana joogo Xarakada Alshabaab.

Waxaa galabta ku Muslimay Masjaaidka Abuu Cumar Al-Baqdaadi oo ku yaalo deegaanada loo barakacay ee Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada magaalaada Muqdisho askari katirsanaa ciidamada Itoobiya ee soo galaya gobolada koonfurgalbeed ee Soomaaliya kaasoo dhawaan kasoo goostay sida ay sheegtay Xarakada Alshabaab ciidmadii uu katirsanaa oo ku sugnaa deegaanka Yurkud ee gobolka Bay.

Akariga oo ku lebisnaa dharka ay xirtaan ciidamada Itoobiyaanka islamarkaasna sitay qoriga loo yaqaano Sharpshooterka oo ah qori si weyn loogu yaqaano ciidamada Itoobiyaanka oo ayna aad u adeegsadaan aya waxa uu qiray shahaadada sida ay sheegayaan wararku ayada oo ay kumanaan dadweyne ahna usoo daawasho tageen askariga soo galay diinta Islaamka.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Daawo Sawirada askari Itoobiyaan ah oo Muslimay lana joogo Xarakada Alshabaab.

  1. Ali soomali says:

    Alshabaab Islanimo lagaga deydo maleh, sababtoo ah ficilada ay sameyaan waxay guud ahaan kasoo horjeedaa diinta Islaamka ee salaxa ah. askarigan itoobiyaanka ilaahay ha soo hanuuniyo, laakiin alshabaab islanimo iyo diin midna ka baran maayo.

Leave a Reply