Thursday, June 20th, 2013

Daawo hub Alshabaab ay lahayd oo ay soo bandhigeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta kusoo bandhigay hotelka Curubo hub ay lahayd Xarakada Alshabaab kaasoo lagasoo saaray keyd ay ku lahaayeen maleeshiyooyinka Alshabaab inta u dhexayso degmada Afgooye iyo deegaanka Lambar50 ee isla gobolka Shabeelada hoose.

Hubka oo ka koobnaa 14 qoryaha AK47ka ah, laba BKM ama qoriga ay Soomaalidu u taqaano Dabajeexa hal qori RBG ah ama Baasuuke, rasaas fara badan, bambaanooyinka gacanta laga tuuro, walxaha qarxa iyo khalab kale.

Taliyaha hoggaanka iyo howlgelinta ciidamada General Gacmadule oo saxaafadda kula hadlay goobtii lagu soo bandhigaayay hubka oo aheyd Curub oo ah goob ay si KMG ah saldhig ugu leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen howlgalka waxa uuna tibaaxay in hubka ay ka mid yihiin Qoryaha fudfudud, kuwa cusul iyo banka laga tuuro gacanta.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM soo bandhigaan hub ay leedahay Xarakada Alshabaab.

Xarakada Alshabaab ayaanan weli ka hadlin hubkaan maanta lagusoo bandhigay magaalada Muqdisho.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply