Wednesday, June 19th, 2013

Daawo Hees loo qaaday Facebook.

Dhawaanahaanba waxaa kusoo dhex badanayay dhalinta Soomaaliyeed adeegsiga aalada internetka gaar ahaan aalada facebooka oo noqotay mid si weyn ay u adeegsadaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

Facebooka oo si u fiican oo dad waa hore iskugu dambeysay xiriiraya ayaa hadana waxa uu leeyahay dhan aan fiicnayn oo ah inay isku qaldaan dhalinta inteeda guur doonka ah.

Waxaa dhacda in wiil ama gabar sawir aan ayaga ahayn soo saartaan wejiga hore ee bogga ay facebooka ku leeyihiin kaasoo ay kusoo jiidanayaan dhalinta kale, balse marka ay runta gaarto oo ay arintu noqoto in arima guur laysla gaaro lasoo baxo wejigooda dhabta ah taasoo noqonayso qiyaano.

Hadaba fanaanka cusub ee AbdiXamiid Elmi ayaa qaaday hees la magac baxday Facebook taasoo si dhab ah u dhacday, heesta ayaa erayadeeda waxaa sameeyay abwaan Ibrahim Eagle halka luqeynta iyo laxankaba uu leeyahay fanaan AbdiXamiid Elmi.

Hoos ka dhaawo heesta.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply