Ururka Al-Raxma oo ah urur qaabilsan xaga waxbarashada iyo horumarka xaruntiisuna tahay magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Bay ayaa waxa uu qaar kamid ah haweenka magaaladaas uga furay halkaas tababar xaga harqaanka ah ama sida dharka loo tolo.
Tababarka oo bilawday 3.11.2012 ayaa socon doona
ilaa 1.02.2013 ayada oo ay ka faa'idaysan doonaan tiro haweenka magaalada ah.
Dhanka kale, ururka Al-Raxma ayaa ka wado mashaariic xaga horumarinta ah qaybo kamid ah magaalada Baydhabo.
Tan iyo markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya la wareegeen magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo badanyay ururada maxaliga ah ee ku lugta leh arimaha horumarinta iyo wax u qabashada dadka nugul.
Xafiiska war qabadka
Baidoa media. ee Baydhabo Janaay.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com