LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

DAAWO BILICDA GAROONKA CAYAARAHA KOONIS EE MAGAALADA MUQDISHO.

“Anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha ururka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S.Blatter iyo xubnaha guddigiisa guusha ay ka gaareen meel marinta barnaamijkan weyn oo soo bilowday xili marxalad adagi ay ka jirto dalka Soomaaliya—talaabadaasi waxaa ay muujineysaa sida ay uga go’an tahay guddoomiye Blatter iyo gudigiisa in ay horumariyaan kubada cagta Soomaaliya iyadoo si gaar ah ay FIFA u gacan siineyso Soomaaliya”

“Waxaa ay Greenfields noo sii dirtay Injineer khabiir ah oo bixiyay dadaal badan si uu u xqiijiyo dhameystirka howshan quruxda badan muddo 6 todobaad ah oo uu nala joogay magaalada Muqdisho—Waxaan amaan gaar ahaaneed usoo jeedineynaa Mr. Lex vander oo naftiisa usoo huray in uu shaqadan u qabto Soomaaliya xilligan adag”

“Waxaan rajeyneynaa in Mr.Lex Vander uu mar kale kusoo laaban doono Soomaaliya si uu shaqdan oo kale uga qabto garoonka weyn ee Stadium Mogadishu oo uu dhawaana qiimeyn  ku sameeyay shaqada uu u baahan yahay inta ay la egtahay”

“Hada waxaan heysana agaroonkeena oo ku qaabeysan cows-ka artifishalka oo aadna u qrux badan, laakin garoonku wax cayaar ah hada ma marti gelin karo iyadoo sababtuna ay tahay  qeybo kale oo muhiim ah oo aan wali la dhisin sida musqulaha, qeybta VIP-da , qolalkii cayaartoydu ku labisan lahaayeen iyo dayactirka fadhiga caadiga ah ee dadweynaha—markaas ayuu garoonku cayaar marti gelin karaa waana ka sugeynaa FIFA iyo Greenfields in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameystiraan qeybaha haray  wayna balan qaadeen”

“Shirkada heysata qandaraaska dhismaha ee gudaha ee EMECO awood ayay u leedahay in ay qabato qeybaha dhismaha ka haray waxaana mar kale ka codsanaynaa FIFA iyo Greenfields in ay usoo dadajiyaan waxyaabaha ay u baahan tahay si ay u dhameystirto dhismaha inta ka harsan” sidaas waxaa war saxaafadeed ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Sacdiid Carab kadib markii lasoo gaba gabeeyay howsha caws dhigida garoonka cayaaraha Koonis.

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID