Wednesday, May 22nd, 2013

Cudurka daacuunka oo kusii baahaya Kismaayo. (WHO)

Hay’ada caafimaadka aduunka ee marka lasoo gaabsho loo yaqaano WHO ayaa sheegtay inuu cudurka daacuunka kusoo badanayo ayada oo ka qiyaas qaadaneyso xarun caafimaad oo ku taalo magaalada Kismaayo islamarkaasna maalmihii lasoo dhaafay lagu daweeyay 65 qofood sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’ada WHO.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka ay la’yihiin biyo nadiif ah maadaama ay Alshabaab diiday in lagu daweeyo xarumaha caafimaadka maadada Kalooriinta, hadaba maxay cabayaan dadka ayuu is weydiiyay afhayeenka u hadlay hay’ada WHO.

Magaalada Kismaayo ayaa ah magaalo ay ku xoogantahay Xarakada Alshabaab ayada oo kamid ah magaalooyinka ugu dadka badan koonfurta Soomaaliya.

Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in 100 000 boqol kun oo qofood ay sanad kastaba u geeriyoodaan cudurka daacuunka oo ah cudur saf mareen ah inta badan xiliyada kuleelka ka dilaaca dalal ay Soomaaliya kamid tahay maadaama dowlada dhexe oo xaga faya dhowrka ka shaqeysa ay meesha ka baxday wixii ka dambeeyay sanadii 1991kii.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply