Cuduradda xoolaha.
September 7, 2012 - Written by admin - Edited byadmin
Hababka ay xooluhu cudurka kudka ka qaadaan.
- Xooluhu waxey ka qaadaan cudurka kudka, markii ay daaqeyaan meesha ku dhuntey neef qabey cudurka kudka(anthrax) oo ku lafa-lafoowey.
- Inta badan wuxuu dhacaa xoolaha cudurka kudka xilliyda ciida quuyan tahay.
- Qaar xoolaha ah,gaar ahaan geela wuxuu ka qaadi karaa maqaarka(haraga)markii qaniino dhuug sidaa cudurka kudka.
Ka Hortagiisa iyo sida loo kontoroolo cudurka kudka xoolaha.
- Duug ama gub bakhtiga neefka udhintey kudka,si aad joojiso faafista curdurka kudka.
- Ka fogeey xoolaha meelaha kudka aad ku ogtahay, siiba ciida quuyan.
- Ka tallaal cudurka kudka “Spore vaccine” 1ml s/c sanadkiiba mar bilaha may&june
Daaweynta cudurka kudka
Si looga daaweyo xoolaha kudka waxaa la siyaa daawooyinka hoos ku qoran:-
- Penicillin-@10000 units/kg body IM
- Oxytetracyline@10mg/kg body wt IM ama IV.
- Anti-anthrax serum@100-200ml IV , waa la sinkaraa hadii lahelayo.
Daawooyin kalecaawinayo waxaa ka mid ah: anti-pyretics,anti-histaminics iyo daaweeyinka kale dabiiciga ah ama dareeraha(therapy).
2.Cudurka muthee ama Estaiser( Black quarter B.Q):
Cudurka muthee ama farrya waxaa kudhacaa xoolaha sida; lo’da ,idaha iyo riyaha waxaa keenaa ama sababaa bakteeriyadda la yiraahdo( clostridium chauveoi).lo’da kuwa yaryar waxey qaadaa markii ay jiraan 6-12 bilood waqtiga xilli roobaadka ah.
Astaamaha cudurka muthee”Black quarter” B.Q
- Xoolaha way xanuunsada mudo u dhaxeysaa 1-7 maalmood markii ay qaadaa curkani.
- Waxey ka qaadaan meel ka daawacsan neefka oo sumeysan .
- Cudurkani si deg deg ah ayuu u dhacaa, inta bdan neefka wuu u dhintaa ka hor inta calaamadihiisa aan la arag
- Marmarka qaar wuxuu u dhacaa si tartiib tartiib ah.
- Neefka waxaa ka muuqaneysaa daal iyo daciifnimo aad ayuu uga dhutinayaa adimaha dambe ,sidoo kale inta badan way bararaan.
- Haragiisa waa qalaal(dry) ,markii aad taabatid.
- Xoolaha waxey leeyihii xumad badan/sare.
BY: Hassan Basha Ismael
E-mail:bashaa03@hotmail.com
BURAO-TOGDHEER.
Like this:
Like Loading...
Nagala Soo Xiriir
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com