Saturday, May 18th, 2013

C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo ka tanaasulay xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Ayada oo ay weli socoto khudbadaha ay ka hor jeedinayaan xildhibaanada cusub, musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa tanaasulay xildhibaan C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo noqonaya xildhibaankii labaad ee ka tanaasula xilkaas ayada oo uu Maxamed Rashiid oo u taagnaa xilka guddoonka baarlamaanka shalay ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay una tanaasulay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee lagu wado inay ku guuleystaan afhayeenimada baarlamaanka Soomaaliya.

Weli lama oga sababta uu u tanaasulay xildhibaan C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile oo qudhiisa kamid ahaa musharaxiinta ugu cad cad ee lagu waday inay qabtaan xilka gudoomiyaha baarlamaanka balse sida ay ogaatay shabakada wararka baidoamedi centre, waxaa culeys ku saaray inuu ka haro xilkaas xildhibaan Jurile beesha uu kasoo jeedo oo sheegtay inaysana raali ka ahayn musharaxnimadiisa.

Musharaxiinta ayaa waxa ay ka hor aqrinayaan waxqabadkooda baarlamaanka cusub ayada oo uu musharax kasta waxqabadkiisa iyo taariikh nololeedkiisa kasoo gudbinayo halkaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply