Saturday, May 25th, 2013

Cimiga Xanaannadda Xoolaha Qeybtii 16aad & Hassan Basha Ismael.‏

CUDURADDA XOOLAHA:-

 

7.Contagious Agalactia( Candho bararka iyo naasaha riyha-idaha.

Cudurkani waxaa la gooni yahay riyaha iyo idaha .

ASTAAMAHA CUDURKA  CONTAGIOUS AGALACTIA:-

-Candhadda waxaa laga dareemaa kul  waxeyna neefka ku sababta xanuun daran.

-Caanadda waxey noqotaa mid adag iyo jaale oo kuusan.

-Hadii socoto cudurkain mudo dheer  neef wuu joojiyaa soo saarista caanaha.

-Neefka wuxuu noqdaa mid daalan iyo caato,uga danbeeytina way joojiyaan cunista calafka.

-waxeyna leeyihiin xumad daran/sare.

-Qaar xoolaha ka mid ah way barartaa kala goysiga( joints),waxeyna noqdaan mid dhutiyo(lame).

-Xoolaha kuwa yaryar waxaa garaa  caabuq sambabeed(pneumonia),qaarna way u dhintaan iyo qaarna way bogsadaan.

 

           Seedee xoolaha ku qaadaan cudurkani?

1.       Waxey ku qaadan sitoo ah ,neefka qabaa cudurkain.

2.       Sidoo kale waxey ka qadaan meelaha iyo ash-yaa’ad sumeysan.

3.       Infaction kaan wuxuu soo garaa caanaha.

4.       Cudurka” contagious agalactia”, waxaa keenaa  mycoplasmas layirahdo (mycoplasma Agalactiae); wuxuu u egyahay bacteria .

Kahortga cudurka contagious:-

-Ka saar neefka qabaa cudurkan  herada ;  si joogto  ahna u buufi herad xoolaha.

DAAWEYN-TREATMENT:-

 

Waxaa lasiyaa daawooyinka hoose ku qoran:-

1.       Tetracyline ama

2.       Tylosi

w/Q: Hassan Basha Ismael
E-mail. bashaa03@hotmail.com
BURAO- TOGDHEER.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply