Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Cilmiga Xannaanadda Xoolaha Qeybtii 26aad& Hassan Basha Ismael.‏

Sida loo ilaaliyo xoolaha marxaladahood kala duwan ee noolashooda.

2.Abaahinta(mating):-waa isutaga xaywaanaadka sinjiyadooda kala gedisan.waa laga ilaaliyaa  inta ay socto is abaahinta xoolaha arbushaad ama labid.sidoo kale waa loo kaadiyaa labka inta uu ku noqonayo mid xoog badan ama si wanaagsan u  koro; ka hor inta aaney loo isticmaalin qooqsi ama ku tilaalida dhediga.

Waxa fiican in xooluhu la isku abaahiyo xilliga dhulku quunyan yahay ama marka ay haystaan calaf ku filan oo cunaan.

1.       Lo’da(bovine):-waa la isku abaahiya sida ugu dhakhsiyaha badan ka dib markii lagu arko 12 saacadood calaamadaha urgoonka. Lo’da (zebu) sinjigeedu yahay oo lagu dhaqdo bariga afrika sida; Dawaara, Gasaara,Suruqo,Booran,Sangara, Abigar, Danakil,Raya-azebo, Zenga, Ardo,Fogera iyo Horro; mararka qaar urgoonkoodi waa ay ka yar tahay 12 saacadood.sidaas darteed waa la daawadaa inta badan dabadeedna waa lagu abaahiya dibiga(bull).

Waxaa wanaagsan in lagu tilaalo hal ama labo dibi ee moorarada lagu haayo , si ay u wanaagsanaato tayada; oona lagu tilaalo neef leh caato badan.waxaan loo eegya dibigii ama sacii dhashey.

2.       Riyaha iyo idaha( caprine& ovis):- waa la isku abaahin geeyaa maalinta labaad ee “RI”du ay urgoonka ku jirto.waxaa haboon in 20-25”RI”, lagu abaahiyo hal orgi xili kasta.dadka way ka joojiyaan orgigu  riyaha in uu abaahiyo(boodo) xili qaladan; waxeyna isku dayaan in ay ku xiraan jirkiisa maro  aad u dhumac-weyn; sidaas darteed maradu waxyeelo dheeraad ah ayey u gaysaneysaa  hubnaha tarankisa. Hal (RAM) oo idaha ahi wuxuu abaahin karaa 40 (DAM).

3.       Geela(camel):-geela waxaa la isku abaahiya xilliga dhulku uu quuyan yahay ama marka uu haysto nur( daaq) wanaagsan.

Isku abaahinta geela xilliga fasalka; labka geela ama baarqabka, wuxu soo weeraraa dadka.wuu kala bixiyaa afartiisa lugood, sidoo kale wuu ku fardhiyaa kaadadiisa jirkiisa adamihiisa dambe iyo dibkiisa , islamarkaana waa uu doobeyaa.

Geela labo kuruslaha(bacterian camel) ah ma doobeyo.isku abaahinta geelu waxey soconeysaa mudo 10-20 daqiiqo ah, inta badan oorka yar wuxuu u baahan yahay caawinaad.

4.Dameeraha IYO fardaha(Equus Africans sinus& horse):- waa la isku abaahiya maalin  ka hor inta dhediga dameeraha iyo fardaha aaney joojin urgoonida(oestrus cycle).tani way adagtahay isku duwideed, laakin dhediga badanaa wuu urgoonay 5 maalimood ;sidoo kale waa la isku abaahin geeya hadii lagu arko mar labaad.

                   BACRIMINTA AAN DABIICIGA AHAYN(ARTIFICIAL INSEMINATION).

Dadka ama wadamadda hurumareey qaar ka mid ah waxey isticmaalaan habkan ee bacrimiinta  gacanta  ( AI).waxaa fuliyaan arintani qof xirfad u leh,waxa uu ka soo qaadaa labka xoolaha shahwadiisa (semen). Waxaan lagu keediyaa meel qaboob ah ama talaago, dabeedna waxaa lagu bacrimiyaa dhediga xoolaha.

Bacriminta gacanta  waxey dadka ka caawisaa in ay helaan lab tayo leh oo aan la helinkarin   bedelkiisa.

W/Q: Hassan Basha Ismael

E-mail: Bashaa03@hotmail.com

Burao- togdher.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID