Dulin-duleedka:-waxa dulinnada laga helaa xoolaha nool sida;maqaarka,dhegaha,dabada hoosteeda,candhada ,naasaha,dhoorka iyo macasha.dulinada xoolaha nool waa ay waxyeelo badan yihiin sida:
QAAR KA MID AH DULIN-DULEEDKA KU DUL NOOL XOOLAHA KAAS OO UKEEN KARA:-
1. Shilinta:- Xoolaha ay ku nool yihiin waa lo’da,ariga iyo geela.waxyeelada ay keeni karaan waxa ka mid ah:-
2. Gaafanaha:- xoolaha ay ku nool yihiin waa: ariga, digaagga, geela, iyo fardaha.wax yaabaha ay u keeni karaan waa:
3. Takfida:- waxa ay ku dul nool yihiin digaagga wax yeellada u keenaan waxaa ka mid ah; jaqida dhiiga iyo deganaansho la’aan.
4.
5. INJIRTA( QIRINQIIRKA):- waxa laga helaa digaagga idaha, lo,da iyo fardaha: waxey sababaan jaqida dhiiga, dhiig yari iyo deganaansho la’aan.
XAKAMAYNTA GUUD EE DULIN-DULEEDKA XOOLAHA NOOL.
Dulin-duleedka xoolaha siyaabo kala duwan ayaa loo xakamey karaa, in kastoo ay qaarkood ay qaali ah qaarna jaban yihiin.
v Dhibaynta:- Waxa ay dhibtu leedahay walxo kiimikallo ah oo dila dulin-duleedka sida;shilinta iyp gaafanaha.waxa lo’da iyo ariga la dhibeeyaa marka la dareemo in dulin-duleedku ku soo badanayo.
v Buufinta:-waxa mararka qaarkood dulin-duleedka lagu xakameyn karaa iyada oo laga buufiyo xoolaha hal mar toddobaadkiiba.
v Gacan ku dhibayn: marka ugu horreysa xoolaha ayaa lagu dhibeeyaa gacanta iyada oo dhibta lawada gaarsiinayo jirka oo dhan, sababta oo ah habka buufinta, dhibtu ma wada gaarto dhegaga gudahooda, dabada hoosteeda iyo geesahaha guntooda. Dhibayyta gacanta waa in loo adeegsadaa macamo gashi.
v Bannaynta kaymaha:- waxa habkan lagu xakameeya meelaha uu ku dhalo duqsiga dhiigga xoolaha ka dhuuga.
v Deyr u sameeyta:- waxa uu deyrku xoolaha kaceliyaa xaywaanadda duur joogta ah, dulinnadooda iyo dulin-duleedka xoolaha la jaarka ahi si aanay u fidin.
v Daaqista wareegga ah (Sareeynta):-daaqista wareegga ah waa iyada oo xoolaha hadba la daajiyo dhul daaqsimeedka meel ka mid ah inta ay qaybta kale dib u baxayso.
Gacan ka gurista:- Habkan gacanta ayaa xoolaha lagaga guraa dulin-duleedka ka dibna waa la dilaa
W/Q: Hassan Basha Ismaek.
E-mail: bashaa03@hotmail.com
BURAO TOGDHEER.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com