Xumadda Xeebta Bari(East coast fiver ama theiloeriosis):
Cudurkarni waxaa ku dhacaa oo kaliye lo’da bariga afrika iyo tan bartamaha afrika ku nool.waxaa sababaa “protozoa” layirahdo (theileria parva parva).cudurkani waxaa uu fidaa xilliga xagaaga , waxaa gudbiyaa shilinta.
Astaamaha xumadda xeebta bari:-
-neefsashada oo ku adkaata(Dyspnoea).
-inta badan way ka fogaadaan xoolaha intoodi kale iyo kicitaanka way ku adagtahay.
-waxey leeyihiin qanjir barar –dhegaha hoostooda iyo garbaha xagoodi hoose( inta badan dadka magaraneyaa calaamadahani).
-Neefku waa uu xanuunsadaa mudo u dhexeysaa 10-20 maalmood; ka dib marka uu qaado xumadda xeebta bari.
-kaadadiisa waxey noqotaa huruud-madow ah kalarkeed
-cuduradda kale eek an lamid ah waxaa ka mid ah:-
1. Malignant catarrhal fever.
2. Tropical theileriosis
3. Corridor disease
-Xoolaha qaar waxey leeyihiin shuban la socdaa dhiig ee saharadoodi( faece).
Seedee xoolaha ku qaadaa xumadda xeebta bari?
-Waxey ka qadaan xumadda xeebta bari xoolaha marka uu qaniino dhuug qabaa cudurkaasi.
-Cudurkani si toos ah ugama gudbi karo xoolaha.
-Dhuuga (TICK) fidiyaa cudurkarkani midibkiisu waa “ barrow ear tick”,waxaan la yirahdaa( Rhipicephelus Appendiculatus).
Ka hortaga xumadda xeebta bari:-
-silooga loo kontoroolo xumadda xeebta bari ama dhuuga sida xanuunka, waa in la buufiyaa heredda lo’da( cattle shed).
-in lagu tilaalo lo’da Rashkava- Tvaccine@3ML SC ; sedexdii sano mar uun.
-FG: lama talaalo lo’da uurleyda ah ee qabtaa xumadda xeebta bari.
Daawooyinka ugaarka ah ee xumadda Xeebta bari( specific treatment of east coast fiver):-
1. Inj.oxytetracyline@15-20mg/kg body weight. IV
Maalin kasta 5-7 maalmood ah.
2. Inj.oxytetracyline@5-10mg/kg body weight IM maalin kasta -6 maalmood ah. Waxaa u sii dheer
3. Inj.nivaqium@20-30 ml IM , maalin kasta -3 maalmood ah.
4. Inj.Berenil( Diminazene)@0.8 ilaa 1.6mg/100kg body weight IM.
W/Q: Hassan Basha Ismael
E-mail: bashaa03@hotmail.com
BURAO-TOGDHEER.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com