Boqolaal ciidamo ah ayaa waxaa tababar loogusoo afjaray magaalada Baydhabo ee caasimada gobolka Bay.
Ciidamadaan oo dhawaanahaanba ku tababaranayay xero tababareed oo ku taalo magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhawaan lagasoo ururiyay deegaanada baadiyaha gobolka Bay ayaga oo qayb ka noqon doona ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya.
Cabdi Maxamed Nuur oo ah sarkaalka madaxda u ah ciidamada tababarka loogusoo gaba gabeeyay Baydhabo ayaa sheegay inay ciidamadaan ka qayb qaadan doonaan dagaalada lagagasoo horjeedo Xarakada Alshabaab isaga oo ka dhawaajiyay inay ciidamadaan ku wajahanyihiin deegaanadimada baadiyaha oo uu sheegay inay Alshabaab weli kusii harsantahay.
Ciidamada tababarka loosoo xiray ayaa waxaa tababarayay saraakiil u kala dhalatay dalalka Itoobiya iyo Siiraliyoon kuwaasoo qayb ka ahay dalalka qaybta ka ah hawlgalka ay dalalka Afrikaanku kawadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com