Ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxa ay isku rasaaseeyeen meel u dhow halka ay gudiga soo xulista xildhibaanada cusub deganyihiin ee magaalada Muqdisho.
Is rasaaseynta oo dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa timid kadib markii ay uu muran soo kala dhex galay labada ciidan kaasoo dhaliyay inay is rasaaseeyaan.
Hal askari ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen labada ciidan oo kala ilaalinayay rag ol’ole ugu jiray xildhibaanimo kuwaasoo uu rasaastii ay is weydaarsanayeena ay hakad ku keentay howlihii gudiga hubinta iyo soo xulista xildhibaanada cusub kaasoo xaruntoodu ay tahay eeraboorka Aadan Cade meel u dhow.
Xarunta ay ku howlgalayaan gudiga farsamada ee soo xulista iyo hubinta xildhibaanada cusub ayaa waxaa amaankeeda si weyn u sugaya ciidamada AMISOM kuwaasoo baro koontarool oo dhowr ah ka sameystay halkaas.
Gudiga farsamada iyo soo xulista xildhibaanada cusub ayaa sheegay inay hayaan ilaa iyo hada magacyada 184 xildhibaan ayada oo inta dhimana ay filayaan in isla maantaba lasoo dhameystiro.
Weli waxaa jiro beelaha qaar oo isku haysto xildhibaanadii kusoo aaday halka oday dhaqameedyada qaarkoodna lagusoo celiyay magacyadii iyo liisaskii ay soo gudbiyeen kadib markii ay dacwado kaga yimaadeen beelahooda.
Is rasaaseynta maanta dhex martay ciidamada kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadayso ayada oo maalintii shalay ahayd ay sidoo kale isku dhaceen laba ciidan oo kawada tirsan dowlada oo ay qaar ilaalo ka hayeen dibad bax ballaaran oo lagusoo dhaweynayay raisalwasaarihii hore ee dowlada KMG Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isku dhacaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacn.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com