Tuesday, May 21st, 2013

Ciidamo Jabuutiyaan ah oo taangiyo ku hubeysan oo soo gaaray gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaas ay soo gaareen boqolaal ciidamada Jabuuti ah oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman sida taangiyo.

Ciidamadaan oo qayb ka ah  howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa lug kusoo dhex maray dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada cusub ee Jabuuti ka socda ayaa tiro ahaan gaaraya 300 askari ayaga oo ku hubeysnaa ilaa lixdameeyo taangi iyo gawaarida kale ee dagaalka kuwaasoo kusoo biiray 400 askari oo horay Jabuuti ugaga sugnaa gobolka Hiiraan gaar ahaan caasimadiisa Beledweyne.

Jabuuti ayaa laga dhowrayaa inay ciidamadeeda soo gaarsiiso kun askari si ay kaamil u noqoto qaybtii kaga aadanayd howlgalka AMISOM ayada oo kunka askari ee Jabuutiyaanka ahna loo qorsheeyay inay xasiliyaan gobolka Hiiraan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply