Ciidamo aad u fara badan kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay maanta soo gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ciidamadaan oo aan tiradooda si dhab ah loo sheegi karin balse aad u badan ayaa degay xero ay horay ugu sugnaayeen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah kuwaasoo markii dambe usoo gudbay dhanka gobolka Bay oo ay qabsadeen magaalada Baydhabo iyo deegaano kale.
Ciidamada maanta soo gaaray Luuq ayaa lagusoo waramayaa inay ku wajahanyihiin deegaanada Buurdhuubo, Baardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan isla gobolka Gedo oo ay ku suganyihiin dagaalyahanada Xarakada Alshabaab balse ma jirto cid cadeyn karto hadalkaas maadaama ay ka gaabsadeen saraakiisha dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq inay sheegaan halka ay ku wajahanyihiin ciidamada faraha badan ee ka socda dowlada Itoobiya ee maanta soo gaaray degmada Luuq.
Degmada Luuq ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah kuwaasoo markii dambe usoo dhaqaaqay dhanka gobolka Bay oo ay kala wareegeen deegaano badan oo gobolkaas kamid ah ciidamada Xarakada Alshabaab oo sanado gacanta ku hayay magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo katirsan isla gobolka Bay kuwaasoo qaarkood ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka.
Dhanka kale waxaa suurta gal ah inay ciidamadani ku wajahanyihiin dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose halkaasoo ah goobta ugu weyn ee ay hada Alshabaab ku xoogantahay islamarkaasna ay dowladaha taageeraya dowlada KMG Soomaaliya isha kuwada hayaan maadaama ay tahay meel istaraatiijiyad ciidaneed iyo mid dhaqaalaba leh.
Kismaayo waxaa ku taalo deked weyn oo ay kusoo xirtaan maraakiibta iyo doonyaha ganacsi ayada oo ay sidoo kale magaaladu leedahay eeraboor wanaagsan oo ay soo fariistaan diyaaradaha.
Kismaayo ayaa hada waxaa loolan ugu wada jiro ciidamada Kenya oo ay weheliyaan kuwo kasoo jeedo deegaanada gobolka Jubbada hoose qaarkood oo wata magaca Raaskambooni iyo kuwo kale oo isla deegaanadaas kasoo jeeda balse la sheego inay katirsanyihiin ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, dhanka kale dowlada Itoobiya ayaa horay uga dhawaajisay inay ciidamadeedu qabanayaan magaalada Kismaayo.
Sikastaba ha ahaatee ciidamadaan cusub ee ka socda dalka Itoobiya ayaa waxa ay muujinayaan inaysan dhoweyn xiliga ay ciidamada Itoobiya dib uga bixi lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya maadaama ay hada ciidamo hor leh kusoo qul qulayaan dalka Soomaaliya kuwaasoo ka socda dalka Itoobiya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com