Wednesday, June 19th, 2013

Ciidamo dheeraad ah oo ka socda AMISOM oo la geeyay Baydhabo.

Ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi qaybna ka ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa kusoo qul qulaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ciidamadaan oo diyaarado kusoo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa horay u ahaa 100 askari halka hada tiradooda la gaarsiiyay 700 askari.

Sidoo kale gaadiidka qafilan ee AMISOM oo ay soo galbinayaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Baydhabo ayaa magaalada soo gaarayay maalmihii lasoo dhaafay sida ay kusoo waramayaa ilo xog ogaal ah.

Tirada ciidamada AMISOM ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo 2500 askari ayaga oo kala wareegi doona amaanka magaalada Baydhabo ciidamada Itoobiyaanka islamarkaasna xoojin doona ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaaladaas.

AMISOM ayaa lagu wadaa inay gobola dhowr ah geyso ciidamo dheeraad ah si ay xaqiijiso amniga goboladaas islamarkaasna ay u baacsadaan ciidamada Xarakada Alshabaab oo ay horay kala wareegeen magaalada Muqdisho iyo magaalooyin dhowr ah.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply