Wednesday, June 19th, 2013

Ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda jamhuuriyadda Jabuuti oo xili habeenimo ah xalay soo gaaray gobolka Hiiraan.

Ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda dalka Jabuuti ayaa xalay waxa ay markii ugu horeysay gaareen deegaano katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamadaan oo ay la socdaan saraakiil Faransiis ah ayaa waxa ay saldhig ka sameysteen deegaanka Kalabeyrka oo ku yaalo xadka u dhexeeya gobolka Hiiraan iyo weliba ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamadaan oo kasoo tallaabay dhanka xuduuda dalka Itoobiya ayaa waxaa kusoo dhaweeyay deegaanka Kalabeyr qaar katirsan masuuliyiinta gobolka Hiiraan ayada oo saacadaha soo socdana la filayo ciidamadaan inay soo gaaraan magaalada Beledweyne oo ah xarunta goboka Hiiraan.

Marka loo eego qorshaha ay ciidamada AMISOM isku ballaarinayaan ayaa ciidamada ka socda dalka Jabuuti oo hada ku sugan magaalada Muqdisho waxaa loogu talagalay inay saldhigyo ka sameystaan gobolka Hiiraan oo kamid ah goobihii dhawaan laga saaray Xarakada Alshabaab oo gobolkaas mudo kasoo talinaysay.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.