Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadoodu ku suganyihiin deegaanka Tixsiile oo u dhow degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyuhu inay ciidamadoodu deegaano kale oo dhanka Marka ah gaareen.
Isaga oo ka qayb qaadanayay barnaamishka (Dadow doodnoy) oo ah barnaamish ka baxa Radio Baidoa, Radio Wadajir, ishabaydhaba.com, daafeet.com iyo baidoamedia.com oo inta badana lagaga hadlo arimaha gobolada koonfur galbeed Soomaaliya ayuu sheegay gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose inay saraakiil caan ka dhex ahayd Xarakada Alshabaab iskusoo dhiibeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaga oo hadana wax ka hogaaminayo ciidamada dowlada.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur, gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa uu sheegay inay ciidamadii Alshabaab ee horay ugu dagaalamayay Xarakada ee ku sugnaa gobolka Shabeelada hoose ay hada bilaabeen inay iskusoo dhiibaan ciidamada dowlada oo ayna qayb ka noqdaan ciidanka.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kalena sheegay in degmooyinka gobolka Shabeelada hoose ay maamuli doonaan dadka u dhashay deegaanka oo aanay dhici doonin inay dad aan u dhalan degmooyinkaas ka arimiyaan halkaas.
Hadalka gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya kusii siqayaan deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose kadib markii ay dhawaan la wareegeen degmada Afgooye.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com