Thursday, May 23rd, 2013

Ciidamada Kenya oo ka qayb qaadanayo baadigoobka shaqaale la af duubtay.

Ciidamada dowlada Kenya ayaa waxa ay baadigoob ballaaran ugu jiraan shaqaale gar gaar oo lagu afduubtay xerada Dhadhaab kuwaasoo aan la ogeyn ilaa iyo hada meesha lala aaday.

Col. Cyrus Oguna oo ah afhayeenka ciidamada milatariga dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay inay ciidmadooda milatariga ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay ka qayb qaadanayaan raadinta shaqaalaha ajnabiga ah ee lagu afduubtay Dhadhaab kuwaasoo uu sheegay in lala aaday dhanka dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha la af duubtay oo ay tiradoodu gaarayso 4 ayaa u kala dhashay dalalka Norway, Pakistan, Canada iyo Philipines.

Dalka Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa ka dhacayay afduubyo ka dhan ah shaqaalaha hay’adaha gar gaarka ee ka hawlgalo xeryaha qaxootiga ee ku yaalo dalkaas kuwaasoo ay ku jiraan boqolaal kun oo qaxooti Soomaali, Suudaan, Itoobiyaan, Koongaliis iyo dalal kale.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply