Saturday, May 25th, 2013

Ciidamada Kenya oo dad rayid ah xasuuqay iyo AMISOM oo ka hadashay arintaas.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM kana howlgalaya gobolada Jubbooyinka ayaa shalay waxa ay deegaanka Janaay Cabdalle ku xasuuqeen dad reer miyi ah oo ay tiradoodu dhamayd 7 halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawaceen.

Ciidamada Kenya ayaa dadkaas inta meel iskugu geeysay rasaas ooda kaga qaaday arintaas oo ay ka caroodeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Col. Xaamud ayaa ka hadlay dhacdadaas isaga oo sheegay inay baarayaan arintaas haddii ay cadaatana masuuliyadeeda ay AMISOM qaadan doonto tallaabana ka qaadi doonaan.

Isaga oo la hadlyayay BBCda laanteeda afka Soomaaliga ayuu Col. Xaamud sheegay inaysan qayb ka ahayn howlgalka AMISOM in la beegsado ama la wax yeeleeyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Arintaasi koleey AMISOM waxay geysato mas’uuliyadeeda way qaadataaa, wixi soo baxa oo cad iyada ayaa macneyn doonto, hadii arinti ay sax noqoto talaabo ayaan ka qaadi doonaa”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud oo la halday laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

Ciidamada Kenya ayaa dagaal ugu jira mudaba sidii ay kusoo gaari lahaayeen oo ay ku qabsan lahaayeen magaala xeebeeda Kismaayo ayada oo ay horay Kenya cir, dhul iyo badba uga duqeysay Kismaayo balse ay ku dhici la’dahay inay magaalada gasho amaba ay kusoo dhawaato.

Kenya horay waxay duqeyn ay dad rayid ah ku geeriyoodeen ka fulisay degmooyin dhowr ah oo ku yaalo gobolada Jubbooyinka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply