Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta waxa ay la wareegeen amaanka dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ciidamadan oo qayb ka ah ciidamada AMISOM dhawaana qaybtooda labaad ay soo gaareen magaalada Beledweyne ayaa ciidamada Itoobiya kala wareegay saldhigii ay kaga sugnaayeen xaafada Howlwadaag ee dhanka galbeed ee Beledweyne.
Ciidamada Jabuuti ayaa sidoo kale lagu wadaa inay la wareegaan guud ahaan amniga magaalada Beledweyne sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya.
Jabuuti waxaa horay uga sugnaa magaalada B/weyne boqolaal askar ah ayada oo ay tiradaasna sii siyaday markii ay dhawaan halkaas gaareen ciidamo kale oo Jabuutiyaan ah iyo agabkooda oo ay kamid yihiin gadiidka dagaalka iyo khalab kale.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com