Ciidamada is garabsanaya ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta gelinkii dambe waxa ay qabsadeen deegaano hor leh oo katirsan gobolka Shabeelada hoose.
Ciidamada ayaa waxa ay la wareegeen deegaano ay kamid tahay Warmaxan iyo deegaano kale ayaga oo sidoo kale caawa ku hoyanaya halka laga galo degmada Wanla weyn.
Ciidamadii iyo saraakiishii Alshabaab ee horay ugu sugnaa degmada Wanla weyn ayaa faarujiyay halkaas kadib markii ay ciidamada huwanta kusoo dhawaadeen degmadaas.
Haddii ay horay usii socdaan ciidamada huwanta ayaa waxaa suurta gal ah in laysku furo wadada u dhexayso magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com