Friday, May 24th, 2013

Ciidamada huwanta oo la wareegay Yaaqbariweyne iyo Leego kunasii wajahan Buur hakaba.

Ciidamada is garabsanaya ee dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta weerar culus ku qaaday fariisimo ay ciidamada Xarakada Alshabaab ku lahaayeen deegaanada Yaaqbari weyne iyo Leego oo kawada tirsan gobolka Shabeelada hoose.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Maxamed oo kamid ah saraakiisha dowlada Soomaaliya, dagaalka ayaa qaatay saacado kadib markii ay weerareen ciidamada huwanta fariisimo Alshabaab ay halkaas ku lahaayeen isaga oo dhanka kalena sheegay inay dagaalka maanta ku dileen ilaa 10 maleeshiyooyinka Alshabaab katirsanaa,

“Waxaan la wareegnay Leego iyo Yaaqbariweyne, waxaan hada ku wajahanahay Buurhakaba”ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho.

Dhanka Xarakada Alshabaab majirto ilaa iyo hada cid uga hadashay dagaalka culus ee maanta ka dhacay deegaanada Leego iyo Yaaq bari weyne.

Yaaq bari weyne iyo Leego ayaa si aad ah ugu dhow degmada Buur hakaba ee gobolka Bay ayada oo haddii ay ciidamada is garabsanaya la wareegaana ay gacanta Alshabaab kusoo hareyso oo keliya degmada Diinsoor marka loo eego dhanka gobolka Bay maadaama horay lagala wareegay Alshabaab degmooyinka Berdaale, Awdiinle, Baydhabo,Ufurow iyo Qansax dheere.

Alshabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa gacanteeda ka baxayay deegaano katirsan gobolada dalka Soomaaliya tan iyo markii ay iskaga baxday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply