Saturday, May 25th, 2013

Ciidamada huwanta oo gudaha u galay magaalada Kismaayo.

Ciidamada huwanta ee dowlada Soomaaaliya, Kenya iyo kuwa ururka Raas kambooni ayaa goor dhow gudaha u galay magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada ayaa dhowr jiho ka soo galay, iyagoo lugeynayay, waxaana ay gacmaha u haatinaya dadka, iyadoo la arkayay dadweynaha oo banaanka hore ee guryahooda isugu soo baxay oo daawanaya ciidamada soo galayay magaalada.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka ayaa hawada magaalada dul heehaabayay, iyagoo u muuqday kuwo ciidamada galayay magaalada kor ka waardiyeynayay.

Soo gelitaanka ciidamada huwanta ee magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay kadib markii ay ciidamada Alshabaab faarujiyeen magaalada laba cisho kahor.

Kismaayo iyo deegaanada u dhow dhow ayaa mudooyinkii u dambeeyayba waxaa ka dhacayay dagaalo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaga oo markii dambe sababay inay Alshabaab iskaga baxdo gebi ahaanba magaalada.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply