Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dalka Jabuuti ee qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo loogu magac daray HIIL ayaa kusoo biiraya ciidamo kale oo Jabuuti ka jooga gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Cismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay maalinta xoriyada dalka Jabuuti oo ku aadanayd 27 bishaan ayaa waxa uu sheegay inay soo dhameystiridoonaan ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in ciidamada ay Soomaaliya usoo dirayaan ugu magac dareen HIIL.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com