Thursday, June 20th, 2013

Ciidamada dowladya Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo la wareegay magaalada Marka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay guud ahaan gacan kuhaynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose sida ay kusoo waramayaa wararka ka imaanayo magaaladaas.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa aroortii hore ee saakay waxa ay howlgal ka bilaabeen deegaano hoos taga degmada Marka kuwaasoo ay kamid ahaayeen Shalambood, Lambar Lixdan iyo weliba deegaanka Ceel jaale oo ah halka laga galo magaalaada Marka.

Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa hada waxa ay baaritaano ka wadaan gudaha magaalada Marka oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ee ay Xarakada Alshabaab gacanta ku haysay marka lagasoo tago magaalada Kismaayo.

 

Wixii kusoo kordha warkan dib ayaan idiinlasoo socodsiin doonaa haduu Illaah idmo.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply